War Deg Deg Ah:Garaad Cabdirashiid Waraabe Dheere Oo Si Kulul Uga Hadlay Dilalka Laascaanood iyo Ciidamo Maanta La kala Qaaday
Garaad Cabdirashiid Waraabe dheere, oo kamid ah golaha dhaqanka Gobolada SSC ayaa Ka hadlay Rabshado ka dhacay maanta Gobolka sool Laascaanood kuwaas oo salka ku haya Dilal ka dhacay Xalay gobolka Sool Laascaanood.
Garaad cabdrashiid Waraabe Dheere, Oo Ka hadlaya Xaalada Laascaanood ayaa yidhi’‘Laascaanood in Dulmiga iyo Dilalka Qarsoon siibato mooye yaraan maayo ilaa aynu noqono mulkiilayaasha dhabta ah ee Talada laascaanood markan saas ku leeyahay waa in aynaan hada ahayn mulkiilayaasha.”
Garaadka oo hadlkiisa siiwata Aaya yidhi”Wey adag tahay in aad xal iyo nabad galyo aad hesho inta cid kale kuu maamulayso arimahaga Masiiriga ah mana dhacayso in laga baxo xaaladan lagu jiro inay ka sii xumaato mooye ilaa aynu talo caafimaad qabta la nimaano dibna gacanteena ugu soo celino masiirkeena hadaan nahay Reer SSC
”Wali Miyaad Maqashay Buuhoodle waxaa ka dhacay Dil cidii gaysatay la garan waayay waa maya sababto ah talada Ayaa ku jirta gacanta Dadka Deegaanka .;
Laascaanood iyo deegaankii kale dhulbahante taladiisa u gacan galiya cid kale waxaa xaqiiq ah in dilal iyo foolxumooyin badan oo taariikhi ah uu u noqon doono joogto.
Sida kaliye aynu uga Bixi karna waa inaan mideyna caqliga cududa, talada, kadibna waxaynu u noolaan doona si sharaf badan waxaynu garan doona waxa ina dilaya .Hadase maya garan maysi sababto ah cid kale ayaa ku haysa hogaanka waxaadna ku khasbanaan doonta in aad aqbasho Foolxumooyin badan
Dhanka kale Garaadku wuxuu ka hadlay Ciidan beeleedyo dhawaan ku dagaalamay Deegaano kamid ha gobolka sool kuwaaso ka soo kala jeeday Garoowe iyo Laascaanood oo maanta la kala qaaday.
”Waxaan Bogaadinaya Talaabada koobaad ee loo qaaday xaga nabada ee Lagu kala qaaday Maanta Ciidan Beeleedyadii Ku dagaalamay Deegaanada Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, ee Gobolada Sool iyo Nugaal.”
Yesterday, while I was at work, my cousin stole my apple ipad and tested to see if it can survive
a twenty five foot drop, just so she can be a youtube sensation. My iPad is now destroyed and she has
83 views. I know this is entirely off topic but I had to share
it with someone!
reerkani iyagaa is xareeyey sasab laa oga reer abtigay reer xididkay why why
online prednisone
Ac
C/risaaq Cardoofe wuxuu ahaa ninkii hurinayay dhibka ka dhex jiray Boocame iyo Birta-dheer, wuxuu isku dirayay dad reer baadiye ah oo walaalo ah weliba waqti adag ku jira.
Saacadiisii baa u timi isagoo colaad dad walaalo ah ka shaqaynayay .
Ilaahow Soomaali xaqa tus oo quluubtoodana isku soo jeedi.
Aamiin.