Guddigii nabadaynta colaadda Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, ayaa maanta ku guulaystay in la kala qaado dhinacyadii ku dagaallamay degaannadaas.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Guddi oo ka kooban labada dhinac ayaa si rasmiya u kala qaaday labadii malayshiya-beeleed ee dirirtu dhexmartay, si loo bilaabo wada-hadal nabadeed.

Ciidankii Beesha Majeerten ayaa loo raray balli lagu magacaabo Godimaale oo qiyaastii 25KM dhanka koonfureed ka xiga tuulada Birta-dheer oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Ciidankii fadhiyay Sanga-jebiye ayaa iyana loo raray degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.

Sidoo kale, waxa lagu wadaa in ay bilowdaan wada-hadallo ku saabsan nabadaynta labada dhinac, si loo xalliyo xiisaddaas oo ku salaysan muranka dhuleed.

Comments are closed.