Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal, oo salka ku haysa maamulka xarunta hay’adda NISA, kadib markii madaxweyne Farmaajo iyo Rooble ay kala magacaabeen laba agaasime.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa agaasimaha NISA u magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac, hasee yeeshee Farmaajo ayaa ka daba magacaabay Yaasiin Farey, taasi oo abuurtay loolan iyo xiisad siyaasadeed.

Xiisaddan ayaa u muuqata inay horseedi karto dagaal dad badan ay sheegeen inuu noqon doono midkii Farmaajo uu dalka uga bixi lahaa, haddiiba uu nasiib u yeesho inaan lagu dilin.

Farmaajo, oo bishii April ku fashilmay isku day muddo kororsi, kadib markii awood ciidan lagu hor-istaagay, ayaa xubno ku dhow ay sheegeen inuu weli rumeysan yahay inuu awood ciidan wax ku maquunin karo.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in dhammaan ciidamada dowladda federaalka ay kasoo horjeedaan Farmaajo, marka laga reebo laba ciidan oo weli taageero u muujinaya, kuwaas oo kala ah ciidamada Gorgor ee militariga iyo Duufaan oo ka tirsan NISA.

Ciidanka Gorgor waa kuwa ay tababareen Turkiga, waxaana u badan dhallinyaro markii horeba uu Farmaajo musuq-maasuq iyo qabyaalad ugu diray tababarka waxayna u badan yihiin Mareexaan Dhulbahante,

Si kastaba ciidankan ayaa la sheegay in qeyb ka mid ah aysan raacsaneyn Farmaajo, waana qeybtii diiday xilligii muddo kororsiga inay u dagaalamaan Farmaajo kuwaaso ah Beesha Hawiye,

Ciidanka labaad ee uu Farmaajo isku haleynayo waa ciidanka Duufaan, oo ah kuwa tiro ahaan aad u yar. Ciidanka waxay badankood yihiin kuwo uu qoray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxayna isugu jiraan dhallinyaro laga keenayo gobolka Gedo, iyo xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, oo markii dambe usoo goostay dowladda.

Comments are closed.