War kooban oo ay Shabakada Khaatumo News heshay ayaa sheegaya in salaadii cishaha kadib uu kulan Madaxtooyada Soomaaliya meel ka mid ah uga bilowday Madaxweyne Farmaajo iyo Taliye Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulanka waxaa uu yahay mid albaabada uxiran,sida ay inoo sheegeen ilo muhiim ah oo ka ag dhaw Xafiiska Madaxweyne Farmaajo,lamana oga go’aanka ay soo saari doonaan.

Warar ayaa sheegaya in Taliyeyaasha Meliteriga iyo Booliska Soomaaliya General Xijaar iyo Odawaa Yuusuf Raage ay qeybaha dambe shirka uga biiri doonaan.

Waxa ugu weyn ee laga arinsanayo ayaa ah sida la sheegay Xilka qaadistii Fahad Yaasiin lagu sameeyey islamarkaana Madaxweyne farmaajo uu ka hor yimid shaqo joojintaasi.

Fahad Yaasiin ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho sida xogaha hoose ay sheegayaan.