Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay go’aankiisii ahaa in ciidamada Mareykanka laga saaro Afghanistan, xilli ay si degdeg ah ay u soo ifbaxday qabsashada Taalibaan, isagoo wacad ku maray inuu soo afjari doono arrinta Afghanistan, isla markaana aysan u gudbi doonin madaxweyne shanaad.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!“Ciidamada Maraykanku ma aha inay ku dagaallamaan, kuna dhintaan dagaal aysan ciidamada Afghanistan doonayn inay ka qeybqaadaan,” ayuu madaxweyne Biden ku yiri khudbad 20 daqiiqo ah oo uu kula hadlay shacabka Mareykanka, taas oo laga sii daayay telefishanka galabnimadii Isniinta.
Biden wuxuu uga digay hoggaamiyeyaasha Taalibaan inay la kulmi doonaan “awood bur-burisa” haddii ay farageliyaan ka bixitaanka Mareykanka ee Afghanistan.
Comments are closed.