Ciidamada puntland ayaa ku guuldaraystay hakinta maleeshiyo beeleedka garowe oo caawa keenay gawaadhda iska ragooyin iyo qalabka dhismaha oo ay doonayaan inay dib u bilaabaan degaamaynta saaxmaygaag halka maleeshiyaadka xasan ugaas ay fadhiyaan sange jabiye oo aan ka fogayn dagaalna u diyaar ah

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Shirkii Golaha Wasiirada ee Puntland ee Khamiislaha ahaa ayaa lagu soo qaatay khilaafka iyo Colaada Sange jebiye iyo Saaxmaygaag ,Birta dheer,Fiinleey iyo Fardhidin,iyadoo Madaxweyne deni u saaray 5 Shan wasiir oo aanay ku jirin Wasiirada Cismaan maxamuud Ciise maxamuud iyo Xasan Ugaas.

Wasiirada ayaa Reer Boocame durbadiiba ka muujiyeen Walaac maadaama uu Hogaaminayo Dhaban cad-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland.

Wasiir dhaman cad ayaa ahaa Wasiirkii soo saaray Qormadii Dagaalku ka dhacay ee ahaa lama Deegaamaynkaro,sidaasi awgeed Reer Boocame wax kalsooni ah umahayaan Wasiiradan Cusub.

Wasiirada dhinaca Gobolka Sool waxaa ku jira Cabdillaahi Tima cadde.

Waxaa jira Gurmado Xoogan iyo Tikniko ku sii qulqulaya Saaxmaygaag iyo Sanga jebiye,Fardhidin.

Jiidaha Dhinaca Hawdka bariga Sool ayaa waxaa Buux dhaafiyey Jabhado hubaysan.

Maamulka Puntland ayaa berrito subax u soo diraya 5 shan wasiir oo ay soo dhaha xukuumada Xisbiga Kaah ee maanuka puntland.

Nasiib darrada ugu weyn waxaa weeye Waxgaradkii Reer Sool ayaa iyagu dusha ka daawanaya iyadoo arrinta ay tahay Dhulboobka Gobolka Nugaal ku hayaan Dooxooyinkii Gobolkii Sool halka Reer Nugaaleedna ka mideysna yihiin,Reer Soolna noqdeen ma dareemin.

Xigasho maxamed cali

Comments are closed.