War Deg Deg Ah:Garaad Cabdirashiid Waraabe dheere Oo Si adag uga hadlay Dagaalka Ka Dhacay Gobolka Sool.

Garaad Cabdirashiid Waraabe dheere oo kamid ah golaha dhaqanka SSC ayaa si kulul uga hadlay Dagaalka ka dhacay Gobolka sool gaar ahaan Duleedka Boocame.

Garaad Cabdirashiid oo Bartiisa Facebook soo Dhigay Qoraal uu uga hadlaayo dagaalkaasi ayaa ugu baaqay Labada dhinac inay joojiyan xabada.

Qoaraalka Garaad Hoos Ka Akhriso

XABAD JOOJIN

”Marka hore alle waxaan u weydiinaya intii dhimatay in uu U naxariisto inta dhaawaca ahna u booga dhayo.

Dagaalka ka dhacay maanta duleedka Degmada Boocame ee Gobolka sool waa dagaal nasiib daro ah in dad ehel Iyo ood wadaag ah ay isku gacmo saran dagaal sokeeye kuna daadiyan dhiiga dhalinyarada ehelka ah.

Waxaan ugu baaqaya marka hore labada dhinac in ay dagdag u joojiyaan xabada.

Garoowe iyo laascaanood Dadka dagan waa hal qoys hal Qoysna Xabada iyo dhiiga ka dhex Qubta waa mid ceeb iyo foolxumo.

ka dhaqan ahaana sida ugu dhakhsaha badan ayaanu uga Hawl galayna ilaahayna waxaanu weydiisanana in uusan intaas dhacday maanta wax kale ka daba dhicin.

Comments are closed.