Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame Oo la Gudoonsiiyay Lacag Mag ah oo dhan $ Hal Milion iyo Laba Boqol Kun oo Dollar

1,200,000 $ -Hal Milion iyo Laba Boqol Kun oo Dollar- oo mag samarsiin ah agoonta labada Beelood ee BAHA-KHAYR -Khayr Cabdi iyo Bahrarsame ee gobolka Sool ayaa maanta lagu kala wareejiyey .

Gudiga Nabadeynta Labadan Beelood oo ay hogaaminayaan Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil Waal iyo Islaamka Maxamed Ismaam Ciise ayaa ku wareejiyey Isimada labadan Beelood iyo Jiif Caaqilada guud ee BAHA-KHAYR .

Munaasibad Maalinkii 2 aad ka socotey magaalada Saaxdheer ayaa lagu soo gabagabeeyey in labadan Beedlood lakala gudoonsiiyo Magtan samarsiinta ah ka dib colaadii shaqaaqada Koonfurta gobolka Sool ee shaydaanku ka shaqeeyey laba sano ka hor .

550 Comments

Comments are closed.