War Deg Deg Ah:Sanaag Oo Lagu dilay Sarkaal ka tirsan Maleeshiyada SNM

Taliye ka tirsan Booliiska SNM, ayaa lagu dilay degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegtay warbaahinta Somaliland.

Taliyihii saldhiga Booliiska degmada Gar-adag laba xiddigle, Cabbaas Maxamed Diiriye, ayaa lagu dilay degaan u dhow degmada Gar-adag, sida warbaahintu ka soo xigatay goob-joogayaal.

Marxuum Cabbaas ayaa lagu dilay degaanka God-hileey oo hoos taga degmada Gar-adag, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga helin sida dilkaas u dhacay.

Warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in taliyaha lagu dilay halkaas xilli uu hawlgal ciidan ku jiray.

2 Comments

  1. Ka hor intaan lagu fulin dilka lagu xukumi doono, waa in marka hore aad inaagga xun ee dilay aad iigu keena jeelka wayn ee aan madaxa ka ahay, iyada oo gashan diric bilaa googarad ah si aan u sii guursado.

  2. Ilaahay ha u naxariisto.
    Aamiin.

Comments are closed.