War deg deg ah:Isku socodka Garoowe iyo Hargaysa oo xidhmay kadib hawlgalkii Ciidanka SSC

Magaalada Laascaanood iyo Deegaanda Ku teedsan ayaa laga dareemaya Xaalad adag oo Kacsanaan ah arintan ayaa timid kadib Markii ay Isku Fidiyeen qaar kamida Ciidamada Xaq u dirirka SSC deegaano badan, Waxaana Hakad Kujira Isu socodka gaadiidka u kale goosha Magaalooyinka Burco & Garoowe.

Hakadka Ku yimid gaadiidka u kale goosha Burco & Garoowe ayaa sii xirnaan doona ilaa inta uu xiran yahay Afhayeenkii Beelaha Daarood Cabdikariim Cali Nuur oo ay afduubteen Maleeshiyaadka Jabhada SNM.

Sidoo Kale Wararka aan ka helayno Laascaanood Waxay sheegayaan inay saaka aroortii ka jarmaadeen Magaalada Laascaanood rag ka soo jeeda Magaalooyinka Burco, Berbera & hargaysa kuwaasi oo Magaalada u joogay shaqooyin kale duwan, arintan ayaa timid kadib Markii xalay gacanta Lagu dhigay mid kamida ganacsatada waa wayn ee magaalada Burco.

3 Comments

  1. Afhayeenka beesha Daarood, Cabdikariim Cali Nuur, waxaa loo xidhay si sharci darro ah. Waxaa loo gaystay xad gudub iyo sharaf-rid iyo karaamo tirid. Ma samayn fal dambiile ka dhiga. Wuxuu si-cad u cabiray ra’yigiisa. Falkaas xad-gudubka ah ee ninkaas mas’uulka ah lagu sameeyay wuxuu aburay xasilooni iyo degenaansho la’aan iyo iska-hor-lmaad iyo aarsi iyo xumaan xumaan ku gud.
    Maamulka Hargeisa ha isticmaalo xikmad iyo aragti dheer. Looma baahna xukun qalafsan, cadaadis iyo cadaalad darro. Hadalka oo la soo koobo, waan in si deg-deg ah iyo shuruud la’aan xabsiga looga sii daayaa Cabdikariim Cali Nuur.

  2. Dhulmahante waa reerka Somali ugu fulaysan dagaalamina mayaan cabaadkana daynmayaan dagaal waa ina daanwayne goor ay noqotaba Somaliland dulqaadkii waa kasoo dhamaanayaa

  3. 不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不不

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *