Dowladda Puntland ayaa jawaab adag ka bixisay doodda ka taagan xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha, kaas oo horyaalla Baarlamanka, kadib markii xukuumaddu ansixisay 10-kii bishan June 2021.
Wasiirka Caddaaladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo u jawaabay dadka diiddan xeerkan, gaar ahaanna Culimaa’udiinka ayaa sheegay in aysan Puntland ka talin laba dowladood oo is-barbar-socda (Two Parallel Governments).
Wasiir Xaamud ayaa muujiyay in xukuumadda Puntland aysan wax isbeddel ah ku samayn doonin xeerka mamnuucidda gudniinka gabdhaha, kaas oo dood iyo muran xooggan ka dhex abuuray dowladda iyo culimaa’udiinka.
Sidoo kale, wuxuu digniin u jeediyay dadka diiddan xeerkan, oo uu ku tilmaamay kuwa meel kale laga soo diray
hala suneyo ma ceeba?waxaa loo gudijiray ayaan la kufsaan himadooduna hayaarato dumarka somalidu waa socd badanyihin bal kawarama hadii lodayo warnka sheedankii kufsan jiray ayaa losahala halagajaro waranka haaf
Wadaad ku sheegyada maxaa daba dhigay cowrada
gabdhaha?! kama hadlaan kufsiga iyo dhibka lagu hayo gabdhaha soomaaliyeed! gudniinku waajib maaha marka haddii layska daayo maxaa ku jaban.
maxaa cusbitaalada wakhtigooda iyo dhaqaalo yarida haysata loogu mashquulin in gabdhaha laga dhiijiyo?! maryoolaydu waa cawaan, ma kaligood baa muslim ah, khaliijka wax gudniin gabdhaha ah kama jiro, marka cawaankan maryoolayda ayaa wax aan lagu mashquulin shaqo ka dhigta.
War yaa ilaahay yaqaan. ha ka hadlaan gabdhaha 10 jirada ah ee maalin walba la kufsado, kama hadlaan,
waligiin ma aragteen iyagoo ka hadlaya khawaarijta shabaan ee habeen iyo maalin dhiigga shacabka masaakiinta ah daadinaya? Fulaynimo iyo naf jacayl. waxaan kula talinayaa in ay afkooda qurmuun xirtaan haddii kale alshabaab ha la adeejiyo ha wada gowracaane! yaa arkay alshabaab oo gudniin ka hadlaya?