Fanaanka Sharma Boy ayaa Muuqaal uu soo duubay oo socday 16 daqiiqo ku ooyay Saddax jeer kadib markii uu ka hadlay wixii dhexmaray isaga iyo Wariye Daahir Alasow.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Sharma Boy ayaa sheegay inuu ciil ciilay Daahir Alasow oo Dadkii Youtube-ka u haayay usoo diray dad dila si ay Cinwaanka iyo Baasworka ugu wareejiyaan.

Al Fanaan Sharma Boy oo ilmada ka socoto ayaa yiri “Waxaa ila soo hadlay Deeq Darajo oo ah wiilka Youtube’ka ii haayay. Isagoo Bistoolad Madaxa Loogu Haayo ayuu isoo wacay. Waxaana la igu dhahay Kala Dooro Nafta saxibkaa Deeq Darajo Ama Youtube-kaaga. Waxaana ku dhahay sxb badbaadi naftaada ee sii pasworka’

Sharma Boy ayaa Sidoo kale sheegay Istareeskii iyo dhibaatadii uu arrintaas ka qaaday uu Shil Ku galay kadibna gabar gaariga saarneed ku geeriyootay, xabsina uu dhoor habeen u jiifay ilaa markii dambe Diyo laga qaaday Sharma Boy.

Hadaladiisa oo dhan waxey ahaayeen kuwa dareen gooni ah wata, misana markasto wuu ooynayay Sharma Boy.

https://youtu.be/AbjaR4acamw

Comments are closed.