Ilo wareedyo xog ogaal ayaa sheegay in Xildhibaano ay qeyb ka yihiin Cabdiraxmaan Odowaa, Mahad Salaad, wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macalim Fiqi iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah ay ka shaqeeyeen in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro Janaraal Saadaq Joon.

Xogta ayaa tilmaameysa in ujeedada socdaalkiisa uu yahay sugida ammaanka doorashada baarlamaanka, waxaana ogolaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoo ay soo baxayaan durbaba cabsi ay qabaan siyaasiinta muxaafadka ah ee ku dhow Madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiyiintaan muxaafadka ayaa aaminsan in musharaxnimadooda uu saameyn ku yeelan karo Janaraal Saadaq Joon maadaama uu hoggaamin doono ammaanka doorashooyinka.

Xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug ayaa aamisan in taliyaasha booliska ee Galmudug oo laga soo magacaabay Muqdisho iyo ciidanka ay wataan oo ka tirsan kuwa dowladda dhexe ay doorashada u boobi karaan Farmaajo muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasina ay keentay in ay Galmudug geeyaan Janaraal Saadaq Joon.

4 thoughts on “Deg deg:Sirta ka Danbaysa socdaalka Saadaq joog ee dhuusamareeb”
  1. Khiyaali news.
    War badan oo khiyaali ah ma heysid.
    Qarax iyo dad ishaystoo kaa fog ayuunbaad ku daasheye.
    Ka waran guusha iyo doorashhooyika Somaliland..
    Inkastey xanuun iyo cudur aad ka qaadey, hadana dhib uun lagama sheekeeyee mar mar wanaaga umada u soo kordheyna waa layara sheegaa.

  2. Jenaraal Saadiq- waa ka adkaaday Daaquudka Farmaaajo iyo Maryacas-tiisa.
    farmaajo iyo waxa daageersan waa daaquud (Homo-sexuals)

Comments are closed.