Daawo:Cod sir ah oo laga Duubay Abiy Axmed oo leh Geeri ayaan ka xiga inan ka Dago Xukunka!!
Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed oo kulan gaar ah lalahaa hoggaanka sare ee xisbigiisa Prosperity Party ayaa laga duubay cod halis ah, kaas oo uu kaga hadlay mustaqbalkiisa hoggaamineed ee wadanaakasi Itoobiya
Abiy ayaa codka laga duubay ku sheegay in doorashada soo socota ee dhaceysa 21-ka bishan ay ku guuleysan doonaan isaga iyo xisbigiisa, haddii kale uu dhiig daadan doono.
Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in aysan jirin cid dhisi karta xukuumad illaa 10-sano ee soo socoto, isaguna uu sii joogi doono xafiiska.
“Waxaan dareemeynaa xaqiiq la xiriirta welwel badan oo nooga imaanaya siyaasiyiin, kooxo kala duwan iyo warbaahinta kuwaas oo doorashada u galaya si ay xukunka u qabsadaan, aadna u doonaya, meel kasta ayey joogaan, waa dhow yihiin, waana fog yihiin,” ayuu yiri.
Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “”Ma jirto cid awood u yeelan karta in dowlad ay soo dhisto 10-ka sano ee soo socota, geeri ayaana ka xigaa intii aan xilka wareejin lahaa” ayuu yiri, iyada oo intaasi kadib codka lasoo duubay laga maqlay sawaxan iyo sacab isla-socda
Undeniably believe that which you said. Your favorite justification appeared to be on the web the easiest thing to be aware of.
I say to you, I definitely get irked while people think
about worries that they plainly do not know about. You managed to hit the
nail upon the top and also defined out the
whole thing without having side effect , people can take a signal.
Will probably be back to get more. Thanks
Kii khiyaali news ahaa war xun mahayo beryahaa.
Doorashooyinkii Somaliland kadhacey ayuu weli la suuxsan yahey. (Ileyn dhaqan iyo caadaba uma laha inuu war wanaagsan sheego eh.