Deg Deg:Madaxweyne Ku xigeenkii Puntland oo Geeriyooday

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, ayaa saaka oo Khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Marxuum Cabdisamad Cali Shire, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa Hargeysa, ayaa markii dambe loo qaaday dhinaca Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.

Marxuumka ayaa xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay, isagoo soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).

2 Comments

  1. Ma istaahilo inaan comment ka dhiibto

  2. allah naxaristisa janno hakawarabiyo cabdi samad amin

Comments are closed.