War Deg Deg Ah:Dagaal Ka dhacay Caasimada Hirshabeelle iyo madaxdii ugu sareysay maamulkaas oo La Dilay

Wararka ka imanaya caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa sheegaya in Iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle iyo koox macawisley ah uu halkaasi ka dhacay iyada oo uu ku dhintey Cali Axmed Goodaad “Cali Madoobe” oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Madaxtooyada Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay iska-horimaadka Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada Hirshabelle.

Illaa hadda lama oga khasaaraha saxda ah ee ka dhashay dagaalka,hase ahaatee waxaa jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ee dagaalamay iyo weliba dadka rayidka ah.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada booliska Hirshabelle iyo macawisleyda ka howlgasha dhinaca galbeed ee magaalada Jowhar.