LAASCAANOOD:-Shirkii Nabada Beesha Siyaad Maxamud oo mudo Dheer dib U Dhacay,

Waxaa loo balansana Ramadaanta kadib shir nabadeedkii beelaha Maxamuud garaad gaar ahaan ugaadhyahan iyo jaamac Siyaad kaaso la qorsheenaayay in uu furmo maalinta Ciida kadib si loo dhameeyo dhibtii ka dhacday Deegaanka dhabar dalool.

Hadaba Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Khaatumonews.com shirkaas ayaa mudo dheer dib udhacay taaso aan ilaa hada xog dhab ah laga hayn sababta dib udhaca

Mudo sadex Bilood ah ayaa wararku sheegayaan in shirkaas dib udhacay islamarkaana waxaa warar aan si dhab ah loo xaqiijin sheegayan in Beesha ugaadhyahan codsatay in shirkaasi sadex bilood kadib ay imaanayan.

Ujeedka shirka dib ugu dhacay 3 bilood ayaa lagu sheegay in beesha Ugaadhyahan sheegatay in shirkaas mid ka horeeya ay galayan marka hore kadibna ay shirka imaanayan.

3 Comments

  1. Waan soo dhawaynayaa in la kulmo oo xal laga gaaro.Laakiin gacan 3aad ayaa kujirta taas ayaa adkaynaysa wadakulanka.
    Ugaaryahan waa in ay nabada qaataan,

  2. dhulka waa la wada leeyahay udaa, hadii kale xal ma jiro.

  3. Waa soo dhowaynayaa dib u dhaca shirka sababtoo ah kii adhicadeeye ayaa tanaasul wayn ka dhacay hada waa in si toosa loo xisaabtamo
    Ragu waa isdilaa waana laga heshiiyaa lakiin waxaan marna la aqbali karin in dhul beeli leedahay la degaameeyo iyadoo la adeegsanayo ciidan somaliland
    Dhulka waa lawada leeyahay waana lakala leeyahay dhul cusub na inooma dhalan
    Waa in laga wada hadlaa xasuuqi iyo barakicintii laascanod waa in laga wada hadlaa dhulka insha alah waana la heshiinayaa
    Waxaana ku baaqayaa hashiis midho dhala

Comments are closed.