Murashax Madaxweyne Abdikarim Xusen Gulleid ayaa ka hadlay Qadiyada Somaliland wuxuuna boogaadiyay guulaha dhanka horumarka ee Somaliland;-
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!“Maanta 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen gooni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed marka hore waxaa Bogaadin mudan Guulaha ay Somaliland ka gaatay mudadaas dhinacyada Nabadda, Horumarka, Hannaanka Doorashooyinka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyadda iyo isu Tanaasulka.
Waxaa xaqiiq ah in Xalka Qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay ahmiyad, Mudnaan iyo Aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul, Garowshiyo iyo Wadahadalo miro dhal ah oo kayimaada dhanka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, kana Fog Caadifad iyo Laablakac, waana in lasameeyo wadahadalo ku saleysan waaqaca iyo halka ay Boogtu taalo.
Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin Mudnaantii iyo Meeqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Maawimooyinka Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan.
Midnimo ku timaada wax wadalahaansho, Walaalnimo, Garawshiyo iyo isu tanaasul ee aan ku imaan khiyaano iyo Jujuub ayaa ina wada Deeqda.” Ayuu yidhi Abdikariin .
Comments are closed.