Daawo:Duqayn Arxan Daro ah Oo Saaka Yuhuudu Ku Bilowday Magaalada Gaza,

Ciidamada Israa’iil ayaa saaka oo Isniin ah mar kale duqaymo culus ku qaaday marinka GAZA ee dhulka Reer Falastiin.

Duqaymaha ayaa lagu beegsaday xaafado ay deggan yihiin dadka Rayidka ah ee Falastiiniyiinta iyo dhul beereed ku yaalla magaalada GAZA, halkaas oo khasaare kala duwan ka dhashay.

Duqaymaha ayaa burbur xooggan u gaystay dhismayaal iyo guryo ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta waxaana gebi ahaanba go’day korontada xaafado kamid ah GAZA, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka.

Ciidamada israa’iil ayaa todobaadyadii u dambeeyay duqaymo xiriir ah ku waday marinka GAZA iyo qayba kamid ah daanta Galbeed, iyadoo xoogaga XAMMAAS ay dhankooda madaafiic ku rideen magaalooyinka Israa’iil.

3 Comments

  1. Waxa falastiin ka dhacaaya. Waan ka xumahay. Lkn. Soomaali ha ogaato dadka SOMALILAND. Waxa lugu sameeyaan xasuuqa mid ka xun. Waxana ugeystay. Dawlad. Soomaaliyeed oo adeegsanaysa. Dhamaan awoodi. Dawladi. Lahayd. We Israel maysameen intay hooyo IYO 4. Caruura oo qaxaaya intay qabtaan hooyadii dhashay ku hor gawracaan. Weliba intay. Madaxa ka jaraan. Weliba. Hooyadii dhashay. Uxanbaariyaan. Wax. Sidaa sameeya. Soomaali ayaa lugu arkay.

Comments are closed.