war Deg Deg ah:Puntland Oo Qabatay Hub Badan iyo ciduu u socday.

Ciidamada Puntland ayaa qabtay hub fara badan oo ladoonayay in laga soo dajiyo xeebaha gobalka Sanaag, gaar ahaana agagaarka deegaanka Ceelaayo, waxaana hubkas la xaqiijiyey in laga keenay dhinaca dalka Yemen, sida ay tilmaamayaan macluumad soo gaaraya Warsidaha khaatumonews

Saraakiisha Amnigu, waxay sheegeen in ay shaki ka qabaan in hubkaas loo waday kooxo kasoo horjeeda Amniga & Horumarka Puntland, haddana uu ku jiro gacanta ciidanka Amniga, oo ay ku wadaan baaris kala duwan oo ay cadeyn doonaan waxyaabaha uga soo baxa baaritaankan.

Maalmo ka hor ciidanka Mareykanka ee kusugan xeebaha Soomaaliya ayaa qabtay dooni hub ah oo la rumeysan yahay in aykusoo jeeday xeebaha Puntland, taas oo waday hub aan noociisa lagu isticmaalin Soomaaliya, oo ay ku jireen madaafiicda loogu talo-galay burburinta Taangiyada iyo hubka waa weyn ee aan oolin Soomaaliya.

2 Comments

  1. Garaad, reer Sanaag waa Puntland, Puntland-na waa Sanaag, marka haku wareerin, maalin kasta soo iyaga wasiiradoodu xafladaha ku joogaba, dad isku mid ah baa meel fog uga qaylin.
    Haku wareerin.

  2. puntland xeebaha gobolka sanaag ciidamo kama joogaan hubna kama soo qabankarto websitekan si xun baad ugu shaqaysataan puntland ma dawlad baa waa reer garoowe kooto ku haysta dadka SANAAG HAYLAAN IYO GALBEEDKA BARI masiirkooda iyagaa u madax banaan marba idinku qolo u nacamleeya khaatumo waa idinku qorantahay

Comments are closed.