War Deg Deg Ah:Dawlada Soomaaliya Oo Dalka ka Mamnuucday Diyaarad Hargaysa Ka Dajisay Qalab ,

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkad ka diiwaan-gashan Kenya ka mamnuucday inay mar dambe ka howlgasho dalka kadib markii ay Hargeysa ka dejisay qalab loogu talo-galay doorashooyinka Somaliland oo ay ka qaaday Nairobi.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa Khaatumonews u sheegay in shirkadda oo lagu magacaabo Astral Aviation la mamnuucay kadib markii ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya, oo ay Hargeysa tagtay ayada oo aan ogolaansho haysan.

Dowladda Kenya ayaa 14-kii May u fasaxday laba diyaaradood inay dalkeeda ka baxaan oo ay qalab electronic ah geeyaan Somaliland, inkasta oo ay mamnuucday duulimaadyada dalkeeda ka aadaya iyo kuwa uga imanaya Soomaaliya.

Diyaaradahan oo lagu fasaxay amar Khamiistii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo tirsigiisu yahay MFA/PRO.91/002 (052), ayaa lagu sheegay in laba diyaarad oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation loo ogolaaday inay qalab ka qaadaan garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, inta u dhaxeysa May 13 illaa 15.

2 Comments

  1. Maaha markii uugu horaysay ee madaxwayne Muuse ay si rasmiya u soo casunto dawladda Jauuti ee bal dib u baadha xisuustiina si aydin iskula yaabtaan.

  2. “Everything is very open with a precise explanation of the challenges. It was truly informative. Your site is extremely helpful. Thank you for sharing!”
    נערות ליווי ברחובות
    gder4563

Comments are closed.