Saacadihii ugu danbeeyey isbadelo taariikhiya ayaa ka socday Falastiin

Markii ugu horaysay taariikhda waxay Falastiiniyiinta Qaza ku sugan ee ay hormuudka u yihiin Xamaas iyo Jihaad gantaalo culus oo qaraxyo xoogan xanbaarsan ku garaaceen Talaabiib.

Waa horumar weyn oo ay Falastiiniyiinta iska caabiya Yuhuuda dhulkooda qabsaday ku talaabsadeen, waxayna dagaalkii gaadhsiiyeen gudaha magaalooyinka ka caaganaa gantaaladii riddada gaabnaa ee gaadhi jiray 30 km ee ay ku bilaabeen iska caabinta, haddase waxay adeegsanayaan gantaalo culus oo gaadhaya 130km , waana kuwa ay caama ku garaaceen Talaabiib,iyo goobo badan oo kale oo ay ka mid yihiin Garoonka diyaaradaha ee Bin Gooryoon, magaalooyinkii gantaaladu gaadheena wax waliba wey istaageen, dadkuna dhufaysyada galeen.

Gaza iyo Talabiib waxay isu jiraan 120 Km, waxay Falastiinyiinta Qaza ku guulaysteen in ay dhibaato aan hore loo arag u geystaan deegaankii hore uga caaganaaa gantaalada, waxaana goobta ka baxay waxay ugu yeedhi jireen “Israa’iiliyiintu” Gaashaankii Birta ahaa ee gantaalada lagu soo rido magaalooyinka ka caabin jiray , oo ahaa gantaalo lagaga hortago gantaalada.

“Israa’iilyiinyu” waxay Qaza qabsadeen sanadkii 1967kii ee Carabta dagaalku dhex maray , xilligaas oo Masar gacanta ku haysaa Qaza, Xamaasna waxaa la aasaasay 1987kii, waxay Israa’iiliyiintu Qaza gudaheeda ka baxeen sanadkii 1994kii markii ay Yaasir Carafaat heshiiska la saxeexdeen, waxayse si dhamaystiran uga baxeen 2005tii.

Xamaas waxay ku guulaysteen in ay dhisaan ciidan ka xoog badan ciidamada dawladaha qaarkood,waxayna ku guulaysteen in ay hubkooda samaystaan gaar ahaan gantaalada iyo diyaaradaha iswada, dagaalo badan oo ay la galeen “Israa’iilyiinta” waa la loodin kari waayey waxayna difaaceen Qaza. 2007 ayuu ururka Xamaas si dhamaystiran ula wareegay Qaza, ka dib markii dagaal xoogan dhex maray maamulkii Falastiinyiinta ee ku abuurmay heshiiskii Oslo ee sanadkii 1993, ee ay kala saxeexdeen Yaasir Carafaat iyo Israa’iiliyiintu.

Intaa wixii ka danbeeyey Ururada Xamaas iyo Jihaad waxay u madaxbannaanadeen maamulka Qaza, waxayna abuureen xoog la loodin kari waayey, iyaga oo dhulka hoostiisa aad u adeegsaday.

1 Comment

Comments are closed.