Madaxweyne Farmaajo ayaa deyn loo haystaa.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Faadumo Maxamuud oo kamid ah Mulkiilayaasha Meherada Alla Aamin Furniture oo Muqdisho ku taal ayaa sheegtay inay 4 sanno raadinayso lacagta qalab jiif ah oo Villa Soomaaliya ka deyn satay markii Farmaajo talada qabtay waxaanay codsatay in lacagteeda la siiyo

“Madaxweyne waan ku baryayaa 4 sanno ayaan baryootamayaa ubad iyo nolol ayaan ka masruuftaa meheradan, lacagtayda ha lay siiyo…”

Hooyo Faadumo oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi “Waa lay handaday, waxaa laygu yidhi waxba kuma siinayno Madaxweyne Ilaahay ka baqa lacagtayda ha lay siiyo, maalinkii aad xukunka qabatay ilaa maanta waa lay wareejinayaa. Waa bil Ramadaan ee Madaxweyne waxaan filayaa inaanad ogayn ee waxaygii ayaan rabaa..”

Comments are closed.