War Deg Deg Ah:Imaaraadka Oo Gaadiid aan Xabadu Karin Ka Dajiyay Boosaaso iyo sheekh shariif oo qeyb ka ah

Warbaahinta khaatumonews ayaa ogaaday in todobaadkan baabuur aan xabadu Karin laga dajiyey marsada magaalada Boosaaso ee Puntland, kuwaas oo laga keenay dalka Imaaraatka Carabta, lana doonayo in loo gudbiyo magaalada Muqdisho ee caasumada

Ilo wargal ah oo noo xaqiijiyey warkan ayaa sheegay in baabuurtan ay kala yihiin Baabuur aan xabadu Karin oo ah kuwa Madaxda (V8) iyo Hilux dusha ka furan, lagana keenay dalka Imaaraatka Carabta, iyadoo ay wakiil ka ahaayeen xubno kasoo jeeda dhanka Puntland.

Cida iska leh gaadiidkan ayaa ah Madaxweynihii hore ee dawladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana la rumeysan yahay in ay bixisay dawladda Imaaraatka Carabta, oo u geysay magaalada Boosaaso.

20 Comments

Comments are closed.