Ciidamadii kasoo hor jeeday muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee magac baxay Badbaado Qaran ayaa la filayaa in maanta guud ahaan laga saaro dhufeysyadii ay ka sameysteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Ciidamada oo shalay billaabay inay ka baxaan waddooyinka qaar ayaa la filayaa inay maanta soo geba-gebeeyaan ka bixitaanka magaalada oo gebi ahaan laga wada saaro.

Ciidamada ayaa la filayaa in dib loogu celiyo xeryahooda iyo difaacyada hore ee lagala dagaalamo kooxda Al-Shabaab oo ay horey uga soo baxeyn kadib markii shalay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Roobe uu booqday goobaha fariisinka u ahaa ciidamadaan.

Comments are closed.