War Deg Deg Ah:Dawlada Somalia ku Dhawaaqday inay Kenya la heshiisay

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib usoo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Dowladda Kenya.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala oo shir jaraa’id goordhaweyd Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in wada hadalo mirodhal ah oo ay yeesheen Madaxda labada dal lagu gaadhay go’aankan.

Dowladda Qadar ayaa u kala dab qaaday labada dal waxaana Kenya ku sugan hadda Ergeygii Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ee dhawaan Muqdisho iyo Hargeysa tagay.

1 Comment

  1. waa talo fiicaan waayo hal malyaan oo qaxootiya ayeey hayaan dhaqaale farabadan ayaa laga hela Nairobi aad ayaa logu ladanyahay. farmajo xamar oo dhul somalia ku ma noolaan kartid laakin kenya waa ku noolaan karta waayo waa dad shirci yaqaan ilbax ah xamartii aad hil iyo ho la daba taagnay (cidimo udir ,jamacado udir, dariiqo u dhis,abaal layaal ) raag hadaa tahay 0025 kacanta dowlada ku soo celi sidi aad hawada u soo celisay

Comments are closed.