Deg Deg:Deni oo Safar Dagdag ah ugu Baxay Nairobi

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Safarka madaxweyne Deni, waxa Khaatumo News u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan madaxtooyada, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin ujeedka safarkaas.

Dhinaca kale, madaxweyne Siciid Deni ayaa saaka xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Puntland, Guy Griffin.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in kulanka labada  mas’uul looga hadlay arrrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

2 Comments

  1. Khiyaali news.
    Kuu kuuyo iyo turkaano, soomaali ma u kala baratameen.

Comments are closed.