War Deg Deg Ah:Mucaaridka iyo Dawlada Somalia ku heshiiyay 10 Qodob

Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo. Reer Muqdisho nabad iyo horumar ayaan u rajeynayaa inshaa’allah.

  1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.
  2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.
  3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.
  4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.
  5. In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.

A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.

B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

  1. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.
  2. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.
  3. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.
  4. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.
  5. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

5 Comments

  1. I was wondering if you ever considered changing the page layout of your blog?

    Its very well written; I love what youve got to say.
    But maybe you could a little more in the way of content so people could connect with it better.
    Youve got an awful lot of text for only having 1 or two pictures.
    Maybe you could space it out better?

    Have a look at my homepage – Leandra

  2. Howdy! Quick question that’s completely off topic. Do you know how
    to make your site mobile friendly? My weblog looks weird when browsing from my iphone.
    I’m trying to find a template or plugin that might be
    able to correct this problem. If you have any suggestions, please share.
    Many thanks!

    Here is my blog post – Las Vegas stripclub

  3. Hello, i believe that i saw you visited my site so i came
    to go back the favor?.I’m attempting to find issues to improve my website!I
    assume its good enough to make use of a few of your concepts!!

    My webpage; diigo.com

  4. Khiyaali news.
    Ninkii jirey wuxuu yiri,
    Maxaa leygaga daali berriba waan lumiyee.

  5. Qaswade Xaarmaajo oo hashiisii lagu hor maalaayo.

    Maanta Xaarmaajo iyo Sawirka Adan Cade ee Villa Somalia ku yaal, labaduba siyaasadaha socda waxna kuma darsankaraan waxna kama dhimi karaan.

Comments are closed.