Puntland iyo jubaland oo lama arag ku dhigay Ergaygii Qatar

Puntland iyo Jubbaland oo hore u diidday in ay Ergeyga gaarka ah ee Qadar Al-qaxdaani kula kulmaan magaalada Muqdisho ayaa haddana diidday in uu ugu tago Garoowe iyo Kismaayo. – Ilo.

Lama oga sababta, hase ahaatee Puntland iyo Jubbaland ayaa hore ugu eedeeyey Qadar in aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya isla markaasna ay taageero gaar ah siiso xukuumadda Farmaajo.

Al-qaxdaani oo todobaadkan ku sugan Soomaaliya ayaa la kulmay madaxda DFS, maamullada Hirshabeelle, KGS, Galmudug, Mucaaridka iyo madaxda Somaliland.

5 Comments

  1. Somaliland waa qaran Been madow waxuu ogaa in la sii daynayo markuu warka haley buu hanjabey kkk waa caruur cago weyn Been madow

  2. Khiyaali news.
    Shaleyna waxaad la hayd midnimada soomaaliya ayuu carabku ka shaqeynayaa iminkana waxaad Lee dahey soomaaliya ayaa ku diidey carabka in soomaalida uu mideeyo ama midowdo.

  3. Jubbaland iyo Puntland/Majeerteeniya xiniinyahooda qofna uma dhiibtaan waana iska celiyeen Farmaajo iyo kooxaha doolarka Qadar u hilaacay, halna iga qora:- midnimadu waa awood aan la dhayalsan karin, Majeerteen dagaalka Farmaajo waa u midoobeen, laakiin hadii xaqa ilaahay la fiirsho Farmaajo waa gardaran yahay. Dastuur ku tumasho, xoog adeegsi, wadaadka xidhan ee dagaal oogaha ah, Xasan Daahir Aweys baa wuxuu yiri, dadka qaar baa wax iska celiya ee Farmaajow haku khaldan Puntland. Farmaajo 2 aqal baa doortay, hal midbuu ku shaqaystaa.

  4. Waxaan halkan ka salaamayaa boqorka caanka ah ee beelaha Somaliland adeero boqor Hassan Maal.
    Allaa Mahad leh.

  5. Maamulka Majeerteeniyada la baxay Puntland iyo maamulka Jubada Sare ee la baxay Jubaland wayo iloowsanyihiin in la darajo yihin gobalda Sool iyo Awdal ee Somaliland matalan. Waxay doonayaan sida madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland imudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxwaynaha Soomaaliya mudane Maxamad Cabdilaahi, Farmaajo in loogu caasimadahooda iyo qasriyadooda. Waa laba bisadood oo ismoodaya in ay dalaceen oo ay noqdeen laba libaax ama laba dawladood oo gooni isku taagi karaya sida Somaliland iyo Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *