Inkasta oo uu Madaxwayne Farmaajo arrinta doorashada iyo tan amniga ba u xilsaartay RW Rooble, Waxaa siyaasiyiinta iyo Maamul goboleedyada ka soo horjeeda Madaxwaynaha ay durbaba bilaabeen in ay si negative ah jawaab uga bixiyaan.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Waxa la isku hayay mudadii Teendhada la fadhiyay waxaa ay ahaayeen qodobada:

1In Madaxwaynuhu qoro warqad rasmi ah oo uu Amniga iyo doorashada ugu wareejinayo RW Rooble.

2- In taliyaasha ciidamada ee ku jira ololaha madaxwwayne Farmaajo la badalo.

3- In shirka laga qaybgaliyo saamilayda Siyaasadda dalka, iyo qodobo kale.

Waxaa hadda ku soo biirtay in Siyaasiyiinta Mucaaradku dalbadaan in amniga dalka oo dhan laga wareejiyo Madaxwayne Farmaajo, maadaama ciidamadii qalabka siday ee kala aamin baxeen.

Waa caqabad hor leh oo soo wajihi doonta RW Rooble hadii aanu la imaanin maskax furan oo ku qancinayo dhinacyada is diidan.

Comments are closed.