Warbixin Uu Ka Qoray Farmaajo Wargayska Mareykanka ugu Afka Dheer oo Shan Qodob Lagu Kashifay

Wargeyska New York Times ayaa warbixin xasaasi ah ka qoray sababta uu madaxweyne Farmaajo isaga dhiibay baasaboorka Mareykanka, inuu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, iyo dhacdo ku saabsan Jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo, oo tusaale u ah sida uu xukunka u jecel yahay

Wargeyska The New York Times ayaa maqaal dheer ka qoray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo. Nuxurka maqaalka ayaa ah shantan qodob

1. Farmaajo wuxuu baasaboorka Mareykanka iska celiyey kaddib markii ay baaritaan ku furtay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo caadi ahaan baarta dhaqaalaha sharci darrada lagu helo

2. Markii uu ku noolaa magaalada Buffalo, wuxuu sabab u noqday burburka urur ay leeyihiin jaaliyadda Soomaalida, kaddib markii uu diiday inuu xilka wareejiyo markii uu muddo xileedkiisu dhammaaday (!!!)

3. Intii uu madaxweynaha ahaa, wuxuu ka shaqeeyay “kala qeybin qabyaaladeysan oo dadka Soomaaliyeed uu dhex dhigay”

4. Dalkii uu madaxda ka ahaa, wuxuu haatan qarka u saaran yahay colaad sokeeye oo uu isagu sabab u yahay

5, in uu Haystp Basaboor kale oo Kanadiyaan ah

7 Comments

  1. Soomali oo dhan Saqiiir iyo Kabiir, Siyaasi iyo Madax- Dhaqameed, Aqoon yahay iyo Jaahil; Meeel ay joog-taba waxaa u dhaqan ah;
    Faan, Qabyaalad, Xaasidnimo, Been, Kala Fogeynta Bulshada ama Iska Horkeen, Aduun Urursi, Musuq-Maasuq, iwm.

  2. Khiyaali news.
    Dhashii kacaanka( hadhaagii kacaanka) cidii wax u dhiibataa ka liidata..

  3. Wax aan markhaati lahayni reeban .
    Khaatumo news noosheega cadka ana maalinka ay network time dabacday warkan.
    Hadii kale link ga webka soo geliya.
    Warbahinta khatumo dhaman deganada ssc bay u adeegtaa fadlan haynaga niyad jebinina soo booq dayasha webka.
    Hadi la inagu barto waran la hubin halkaa ceeb ka eeg
    Khaatumo guul

  4. Run ahaantii uma arko warkan inuu sax yahay waa ijaafo iyo been cad oo madaxweynaha soomaaliya loola badheedhay hadaan wariyaasha shisheeyaha ah ee edebta daran aan meel looga soo wada jeesan lana tusin inay faragalin iyo been qaawan wadaan waxaynu ku dhacaynaa hoga ay noo qodayaan umana malaynayo inuu jiro madaxweyne umadeed oo sidan oo kale loo ijaafeeyay in umadiisiina ku sii wiirsadaan soomaali illaah baa u maqan laakiin shacab xalaal ah ma arko

  5. South Korea world economic rankings waa 10, halka Kenya ka tahay 60.
    Waxaa loo baahan yahay rag Soomaali ah oo aan hoos eegin oo wadanka hore u dhaqaajiya oo aduun iyo aakhiraba Liibaana.
    Ilaahow noo soo dir waa Ramadane.
    Aamiin.

  6. Nin oday oo aqoon yahan ah baa wuxuu igu yiri wadanka la yiraahdo South Korea waxaa ka horumarsanaa 55 sano ka hor wadanka Kenya, wuxuu ii sheegay waxa halkaa sare geeyay South Korea waa qurbajoogtii wadanka oo u hiiliyay, Kenyana musuqmaasuq baa la degay.
    TOLOW SOOMAALIYA MA HELI DOONTAA HALYEEY HILMAANSIIYA HAGARDAAMOOYINKII SOO MARAY.

  7. Qabiil qof laguma necbaado mana lagu jeclaado ee xataa gaaladii baa Farmaajo aragtay.
    Faan, qabyaalad, xaasidnimo, been, tafaraaruq ummadeed, iska horkeen wax qabad xumo, and so on.
    Farmaajo baa hooyo iyo aabe u ah, waa qurbaawi, aqoon yahan, dhalinyaro ah, hadana meeshii ugu xumayd buu uga tegay dadkiisii iyo dalkiisii soo dhoweeyay
    Ilaahow Soomaali xaqa tus, isuna soo jeedi.
    Aamiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *