Khudbad si wayn loo sugayay ayay ahayd, markii madaxwayne Farmaajo uu khudbadda dhameeyay ayay siyaasiyiintu iswaydiiyeen hadii uu jiro wax tanasul ah oo uu sameeyay madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Waxaa ay ii sheegeen in madaxwayne Farmaajo aanu samaynin wax tanasul ah, waayo waxa la isku hayay ma ahayn in shir la isugu yimaado ama heshiisyadii 17kii September iyo Feb, 16, 2021, ee waxaa ay ahayd hirgalinta heshiiskaas.
45 tii cisho ee ay Puntland iyo Jubbaland joogeen xarunta Xalane waxyaabaha la siku hayay waxaa ka mid ahaa, in madaxwaynuhu qoro warqad uu ku cadaynayo awoodiisa, In la kala diro baarlamaanka oo ay u arkaan in waqtigiisu dhamaaday iyo qodobo kale.
Mar hadii madaxwaynuhu yiri, waa in heshiisyadii 17 kii iyo 16 kii si shuruud la’aan ah loo saxiixaa maxay tahay waxa uu ka tanasulay madaxwayne Farmaajo ayay yiraahdeen siyaasiyiinta aan la hadlay.
Waa jug jug meeshaada joog iyo ila meerayso, hadii aan la helin cid garwadeen ka noqota shirkaas, waxaa kale oo arrimo soo kordhay noqonaysa ka qaybgalka midawga musharixiinta oo xilligaan la yimid awood dheeraad ah, ayay ii sii raaciyeen siyasiyiintu.
In madaxwayne Farmaajo uu hortago baarlamaanka kuna qanciyo heshiiskii 17 kii September iyo in uu teendhadii ku laabanayo, ayaa iyaduna macno gaar ah u samaynaysa awooda xildhibaanada iyo gudoonka baarlamaanka oo loo arki doono kuwo isu imaantiinkooda iyo go’aan gaaristooda ay tahay wax ka yimaada madaxwayne Farmaajo.
Si kastaba ha’ ahatee, maalmaha soo socda ayaa la arki doonaa, jawaabaha ka soo baxa maamul goboleedyada iyo midawga musharixiinta, kuwaas oo horay u soo dhaweeyay qoraaladii ka soo baxaya xaafiiska RW rooble iyo madaxwaynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele.
Comments are closed.