Deg Deg:Farmaajo Amray in Lasoo Guro Ciidamada Hiiraan iyo Gedo balse Caqabad ayaa hor Taagan

Madaxweynaha Dawlada fadaraalka soomaaliya Farmaajo ayaa saraakiisha Gobolada Hiiraan iyo Gedo ku war galiyay inay diyaariyaan ciidan loo soo qaado Gedo kuwaaso diyaarado looga soo daabulaayo goboladaasi si ay muqdisho uga qeyb qaatan hawlaha ka socda balse caqabad ayaa hortaagan in ciidankaasi la keeno Muqdisho,

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo Ayaa qarka u saaran in uu gubto iyo shirkadaha diyaaradaha oo kala cararay diyaaradahooda.

Ciidanka diiddan Muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo sameystay ayaa qoryaha waaweyn ee soo riddi kara diyaaradaha ku aadiyey garoonka diyaaradaha iyo Hawada ku teedsan taasoo cabsi ku abuurtay shirkadaha diyaaradaha oo Ciidamo Farmaajo garab siinaya kasoo qaadi lahaa goboladda Hiiraan iyo Gedo.

Saraakiisha Ciidankaas wadata oo aan la hadlay qaar iyaga kamid ah ayaa iisheegay in diyaar ay u yihiin iney soo ridaan diyaaradaha shirkadaha gudaha ay leeyihiin ee lagu soo daabulayo Ciidanka taabacsan Farmaajo ee Xamar loo keenayo si ay u dagaalamaan.