War Deg Deg Ah:Dawlada Somalia Oo Ku Dhawaaqday War Naxdin galiyay Shacabka

Wasiirka Maaliyadda Dawlada Fadaraalka soomaaliya Mr Bayle ayaa shaaciyay caawa War naxdin iyo amakaag galiyay shacabka soomaaliyeed.

Wasiirkaa yaa war niyad jab ku abuuray shacabka shaaciyay xili xaalada siyaasdeed ee dalka soomaaliya tahay mid cakiran

Wasiir Bayle ayaa shaaciyay in guud ahaan dhaqaalihii dawlada soomaaliya Beesha caalamku siin jirtay la joojiyay islamarkaana hada wax lacag ah aysan ku jirin khasnada dawlada soomaaliya.

Shacabka soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay dhaqaale u ururshan dawlada isagoo intaas raaciyay in dawladu samayso Akoomo loogu urursho dhaqaale,

Warkan ka soo yeedhay wasiirka ayaa u muuqda mid soo gabo gabeyn doona hankii madaxweyne Farmaajo ee ahaa mudo kordhinta labada sano maadaba aysan jirin wax dhaqaale ah oo dawladu isku maalgaliso kuna bixiso adeegyada kala duwan ee dawlada.

4 Comments

  1. Khiyaali news.
    Al Shabaab ayaa dhaqaale ku caawi doonta dowladda hadii alla yiraahdo.

  2. Waa kii uga liitay ee ugu maskaxda liitay ee ugu caqliga Yaraa ee Somalia soo Mara abidkeed Farmaajo. Aniga waxaa waxaas iiga siidaran magaciii Somalia ayuu dhulka jiidaya

  3. Maxaad ka faaideysaa haddii fallu Nurburgring?

  4. Waa ku fadhida farmaajo ilahay kama kiciye. Jab iyo naclad ayaa uu sugnaday isaga iyo tageerayashisa

Comments are closed.