War Deg Deg Ah:Ciidanka Dawlada Weeraray Xasan Sheekh

Waxaa istaagay dagaal ka socday qeybo ka mid ah degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Mirinaayo ee ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidamada ilaalada musharaxiinta, oo ay taageerayaan ciidamo militari ah oo Muqdisho soo galay iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Nabad-Sugidda iyo gorgor.

Mas’uuliyiin ku dhow musharaxiinta ayaa khaatumonews u sheegay in dagaalka Mirinaayo uu billowday kadib markii ciidamada dowladda ay soo weerareen aagga difaaca ciidamada ilaalada, sidaasna uu ku bilowday dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda loosoo riixay dhanka garoonka Stadium Konis, islamarkaana aagga lagu dagaalamay ee Mirinaayo uu qabsaday Korneel Cusmaan Xaadoole, oo maanta ciidamo badan lasoo galay Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda laga gubay hal gaari oo nooca dagaalka ah.

Dhanka kale xasan sheekh ayaa ka hadlay dagaalka. Wuxuuna soo dhigay qoraalkan Bartiisa Facebook

1 Comment

  1. Ilahaay ha kala qaboojiyo waar dalka iyo dadka haloo tudho

Comments are closed.