War Deg Deg Ah:Madaxweyne caan ah oo hada la dilay

Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby, ayaa goordhaweyd u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay dagaal ka dhacay dalkaasi.

Madaxweynaha Chad ee dhawaan dib loo doortay ayaa ku geeriyooday jiida hore ee dagaalka u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo kuwa falaagada jabhadda Sahel, taasoo dagaal kula jirta Dowladda dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Ciidamadda Dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida Madaxweynihii dalkaasi Idriss Deby, wax faahfaahin ah oo dheeri ah ma bixin Afhayeenka wuxuuse sheegay in Madaxweynuhu ku geeriyooday jiida hore ee dagaalka.