Wararkii ugu Danbeeyay Dagaalkii Gobolka Sool iyo Qodobo Laga Gaadhay Guul

Waxaa maalintii labaad nabad ah deegaankii Dagaalka culus ee dadka badn ku nafwaayen ka dhcay ee Dhabar Dalool gobolka sool.

Odayaasha dhaqanka Gobolka Sool, ayaa ku guulaystay in la joojiyo dagaal beeleed hubaysan, oo maalmo ka hor ka dhacay degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xuddun.

Waxgaradka iyo odayaasha Gobolka oo booqday dhulkii lagu dagaallamay, ayaa dhinacyada ku qanciyay in ay xabadda joojiyaan, islamarkaana wada-hadal lagu dhammeeyo colaadda u dhexaysa labada beelood.

Odayaasha ayaa sidoo kale weli ku hawllan, waan-waan ku jihaysan sidii labada beelood heshiis rasmiya uga gaari lahaayeen colaadda degaanka, kadib markii ay dhinacyadu sheegeen in ay diyaar u yihiin Nabadda.

Dhanka kale waxaa lagu gulaystay in guud ahaan deegaanka laga saaro dagaalku ka dhacay Maleeshiyaadka Labada beelood ee ka kala tirsan maamulka somaliland kuwaaso qeyb weyn ka ahaa Colaada

Odayaasha Dhulbahante ayaa sidoo kale guul ka gaadhay in :Labada beelood lagu qanciyo joojinta xabada

3 Comments

  1. Maxaa leygaga daali berriba waan lu miyee

  2. Waar labada qoladooda haba ahaadeen somalilandta e sidoo kale ha qarin in ciidanka qaranka iyo guddoomiyaha soil mudanr jiidhe hawl culus ka galeen

  3. MAXAAD U XUSI I WEYDEY DOORKII CIIDANKA QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND, EE AYNU KU CANO MAALNEY HADDEYNU NAHAY REER DARAAAWISHEED.

Comments are closed.