Deg Deg Daawo:Saadaq Joon oo La Wareegay Qeybo Muqdisho Kamid ah,

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamo daacad u ah Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ay fariisimo ka samaysteen xaafado ka tirsan Muqdisho.

Ciidamadan oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa fariisimo ciidan ka samaystay xaafadaha Black sea iyo Shiirkole oo ka tirsan degmada Hodon, sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Magaalada Muqdisho, waxa weli ka taagan xiisadda u dhexaysa dowladda Federaalka iyo Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. saadaq joon, kaas oo xilka laga qaaday 12-kii bishan April 2021 kadib markii uu ka horyimid mudda kororsiga dowladda.

Sidoo kale, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka ayaa taageero u muujiyay Gen. Saadaq Joon, waxaana ay ku baaqeen in laga difaaco, haddii weerar kaga yimaado dowladda, inkastoo dowladdu sheegtay in aysan wax tallaabo ah ka qaadi doonin.

4 Comments

  1. Khiyaali news iyo xertiisaba
    Taasaa la leeyahey ha is raacdo???.
    Ku jir riyo maalmeedka oo weligaa ha kicin.

  2. Marhadii colaadi ka jirto khaatumo iguma habona inan ka hadlo meel iiga fog anigo la murugaysan colada sokeyaha
    Iyo boyo la,Santa
    Somali allaa umaqan

  3. Walaalayaal Nugaal Nugaal waxaa biyaha lagu gaaraa 2 ilaa 3 meter ee dadka walaalaha ah ee isku dilaya ceelasha haloo qodo waxbadan ku kici maayo iyadoo weliba degaanka la ilaalinayo dadkana la wacyi gelinayo, qurbajoog, culimo, aqoonyahan, iyo dhamaan inta samaha jecel.

  4. KKKKKKKKKKKKKKKKKK
    NINKANI GURIGIISII AYUU JOOGAA EE ADIGU BAL MAXAAD ISUGU DILEYSAA SAXARAAGA CEELKA BIYAHA DHANNAAN.

Comments are closed.