Wararkii ugu Danbeeyay Dagaalkii Gobolka Sool

Waxaa Labadii maalmood ee ugu danbeeyay Dagaal dad badan ku dhinten ka socday Ceelka Dhabar Dalool oo kamid ah Degmada Xudun ee Gobolka sool.

Dagaalkan oo udhexeeyay Beesha Siyaad Maxamud ee Maxamudu Garaad Dhulbahante ayaa sababay khasaare xoogan oo Naf iyo maalba leh.

Inta la xajiiqyay dagaalkan waxaa ku dhintay Labada Maalin Dad 20 qof Kor u dhaafaya sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in ka badan 40 qof.

Maanta wey ka duwan tahay sidii hore xaaladu mana jiran wax dagaal ah walow maleeshitaadkii Dagaalamay wali isku horfadhiyan aagii dagaalka iyago gurmadyo kala duwan ka kala helay Deegaanada labada beelood,

Dhanka kale waxaa socda gurmadyo xoogan oo Beelaha Dhulbahante ah.

1 Comment

  1. Ilaahay ha kala qaboojiyo Aamiin

Comments are closed.