Deg Deg:Taliye Odawaa Oo ka Horyimid Mudo Kordhinta iyo Xilka qaadis Miiska Saaran

Gen. Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay goordhaw Madaxweynahii Hore Shariif Sheekh Axmed, isagoo ku soo booqday guriga uu dagan yahay Madaxweyne shariif.

Warar xog ogaal ah oo ku dhowdhow Kulankaa ayaa xaqiijiyey in Gen. Odawaa uu Madaxweyne Shariif u xaqiijiyey sida uusan marnaba u aqbaleyn mudo kordhin aan sifo sharci ku fadhiyin. Sidoo kale Ciidamada Xoogu aysan u kala sokeyn dhamaan Musharaxiinta oo uu Madaxweyne Farmaajo ku jiro.

Odawaa ayaa la filayaa in uu Shacabka Soomaaliyeed la wadaago ga’aankiisa iyo kan Ciidamada Xooga Dalka ee ku aadan mudo kordhinta Farmaajo oo uu sheegay in wax waqti kordhin la yiraahdo aysan Ciidamadu ogolaan karin. Taas oo dalka qalalaaso gelineysa. Sidaa darteed waa lama huraan inan ka hor tagno wax kasta oo amniga khatar gelin kara.

1 Comment

  1. Waa war sy Somali oo dhsn ku farxayso waxssn hubaa ku dhatanyaa wiilks ysr Odawaa wax uu arkey ciidamafii oo kala yaacey ka bacdi Farmajo fuley baa yadho u tag masaxdii hote oo iska dhig in goaanky kaa yami haduu eryo taliyaha ciidanks Odawaa Farmajo waxuu nowan bilaa ciidan Sswdiiq johan markuu etyry imido ciidsn police goostey boqolaal hadana ciidamo malatsriya badsn baa ka godan fsrmsjo waxaa ku soo hadhi dhulbahsntey oo idagu adoon mareex ah iyo jilibks reer diin oo mateex ah why mareex kuma raacdanss kaligii talisni.ads Farmajo dhibkii siyaad bstte u gsytey basy wali xaduudanyahion

Comments are closed.