Deg Deg:Shir Hada Xalane uga Socda Beesha caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo

Shir u dhexeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa goor dhow ka billowday Teendhada Afiysoone ee xerada Xalane.

Shirkan oo aan horey loo sii shaacin ayaa ka dambeeyey ka gadal markii wada-hadallo toos ah ay yeesheen qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo Villa Soomaaliya.

Intiisa badan waxaa shirkan looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muddo kororsiga ay sameeyeen xildhibaanada golaha shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay madaxweynaha la wadaagi doonaan go’aankooda ku aadan dooda ka dhalatay muddo kordhinta loo sameeyey.