War Deg Deg Ah:Dagaal Saaka Mar Labaad Ka Qarxay Gobolka Sool,

Dagaal beeleed hubaysan, ayaa mar kale saaka dib uga qarxay ceelka Dhabar-dalool, oo koonfur kaga beegan degmada Duddun ee Gobolka Sool.

Daryanka rasaasta culus oo laba dhinac ah, ayaa laga maqlayaa goobta dagaalka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Goob-joogayaal ku sugan tuulada holhol oo ku dhow nawaaxiga dagaalku ka socdo, ayaa laga soo xigtay in dagaalku hadda jihooyin horleh ku fiday, balse faahfaahin kale ma jirto.

Anteenada isgaarsiinta ayaan sidoo kale laga heli karin dhulka lagu dagaallamayo oo ka tirsan didibta nugaaleed oo aad joogeedu u hooseeyo.

Colaaddan waxa saacadihii u dambeeyay baaqyo nabadeed ka soo saaray dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto Isimada cuqaasha waxgaradka Gobolada Khaatumo,

5 Comments

  1. Waxaa maskaxdayda ka weynaatay, reerka reer ayeydeey waxa isku diray, waxaan kala garan waayey;
    1- Reerkii ma waalidii lagu sheegi jiray baa kusoo baxday
    2- Ma godob iyo aanno ay hore u galeen ama gef baa laga goynayaa.
    3- Ma harraad iyo biyo iyo baad baa isku diraya.
    4- Somali odoyaal iyo waxgarad waa ka dhammaaday ee miyey ugu daran yihiin.
    Ramadaan ninka dilaya nin kale oo walaalkii ah, oo dhiig daadinaya waa min subxaana laah,

  2. Falmaajaa sacabiskiisii baa isku didhay, far hadday isu qaadaana waxaad maqli intaasaa dhimatay intaasi iyo intaasina waa dhaawacyo culays iyo fududayba isugu jira.
    Dhiig iyo dhalasho ma ka dha xaysaa dadka noocaas isu gumaadayo

  3. Khaatumo had iyo jeer warar xun oo laba qof oo is dilay ama koox is laysay ayaaad dadka war uga dhigtaan.iyo beelo.Meel kasta dagaalka beeluhu waa ka jiraa laakiin sidaad u buunbuunisaan ee u qabiilaysaan Webabka Soomalida kama jirto.Wararka arimaha Bulshada ama Siyaasadaa laga sheekeeyaa ama dhibaatooyinka dabiiciga ee naga joojiya wararkan hebel baa hebel booskaas ku qabsaday oo beesha reer Hebel ah ku dilay

  4. WAXAN MAQLI JIREY HABAR JECLOW MUUSA WAA KAAS, BAL HADDA UGAADHAN DHULBAHANTE EEG EE QARNIGAN 21 AAD AANO IYO DAGAAL QABIILEBERS IKAGA DGIGEY

  5. Hubka halkad ka keentan horta? mida kale marka aad boqolaalka iska dilaysan halkad iska heeshay? magaloyiinka waaweyn baan intaas kudhimane.

Comments are closed.