Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo waraysi siinayey Telefashinka Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Maamul gobaleedyada Puntland Iyo Jubaland guud ahaan fashilka doorashada Soomaaliya.

Farmaajo wuxuu Deni Iyo Axmed Madoobe dusha ka saaray inay sabab u yihiin inuu fashilmo heshiiskii iyagu ay qorteen, baarlamaanku meel mariyeen ee 17ka September, shirarkii dhuusamareeb, Baydhabo Iyo Muqdisho ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay fashiliyeen.

Wuxuu yidhi” Markii heshiiskii ay iyagu qorteen loo fuliyey oo toodii loo raacay lagana tanaasulay doorasho qof iyo Cod ah baarlamaankuna sharci ka dhigeen heshiiskii doorashada dadban ee 17ka Septempar, waxaan is lahayn wax kasta way hagaageen, balse Deni Iyo Axmed Madoobe waxay u kala duuleen Kenya Iyo Imaaraadka telefanadana way damsadeen, Bil kadib ayey soo noqdeen iyagoo wata sadex qodob oo kale oo leh ha naloogu daro, waana arrinta Gedo, Soomaliland iyo in la badelo guddiyada doorashada”

2 thoughts on “Deg Deg:Farmaajo Kashifay Arrimo Badan”
  1. Farmaajo iyo soomaaliweyn iska dhaafa arimahooda oo dadkiina haloo istaago, Ramadan waa xaaraan iyada oo awalba dhiig qof Muslim ah xaaraan ahaa. Dad walaalo ah oo hadana is rubad goynaya.
    Ilaahow muslimka meel uu joogaba quluubtoodana isu soo jeedi oo dhibka naga dhex saar.
    Fadlan waa bil Ramadan ee haloo duceeyo muslimka oo dhan weliba Soomaaliya. Aamiin.

  2. Farmaajo wuxuu gashanayaa face-mask, laakiin nin qarsoomi kara ma aha, odaygu Kismaanyo buu rabay inuu qabsado iyadiina waa lagu fahmay oo waa u socon la’ dahay.
    Jubbaland waa Puntland, Puntland waa Jubbaland.
    Ilaahay baa dadkaan Kablalax ku abuuray ee Reer Gedo dhulkiina iimaansada, waa dhamaaday waqtigii BARRE HIIRAALE iyo WALAALAHA GALGADUUD.

Comments are closed.