War Deg Deg Ah:Dagaal Caawa laga Cabsi qabo Muqdisho

Xog ay heshay khaatumonews ayaa sheegeysa in Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) uu xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka banaadir

Saadaq Joon oo wata ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal ayaa deegaansaday xaafadda Shiirkole, halkaas oo deegaan ahaan ay ku badan yihiin reerkiisa.

Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa lagu arkayaa qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaaksii iyo Baar-ubax.

Waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda dowladda federaalku amraan weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato.

Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

2 Comments

  1. AWEYS SXB SHEEKADU DAAROOD IYO HAWIYE MAAHA EE HAKA DHIGIN.
    DENI IYO AXMED MADOOBE WAA DAAROOD MANA JECLA FARMAAJO.
    DICTATOR KA FARMAAJO WAA DALKA LAGA QABTO.
    BALANTU WAA TAAS

  2. DAAROOD KU XAAR AA KADHACAYSA CAWA..KKK..NACALAA ILKAYAR IYO DHULMAHANTE KUYAAL..

Comments are closed.