Puntland Jubaland iyo Madasha Xisbiyada Oo Isku Raacay Qorshe Halis badan

Madaxwaynayaasha PL, JL,madasha murashaxiinta iyo guddomiyaha aqalka sare oo illaa saaka shir uga socday xerada Xalane ayaa mardhawayd lasoo gaba-gabeeyay,waxaana la filayaa inay goordhaw warmurtiyeed soo saaraan.

Ilo xogagaal ah ayaa Khaatumonews u xaqiijiyay arimaha ay ka wada-hadleen inay qayb ka tahay samaynta guddi doorasho oo soo diyaarin doona doorasho kale oo barbar socota midda golaha shacabka iyo Madaxwayne Farmaajo shalay si iskood ah isula qaateen.

Dhanka kale waxaa mardhawayd shir kale u bilaamay Madaxwaynayaasha JL, PL, Safiirada UK, USA iyo ergayga gaarka ah ee UN-Ka Ambassador James Swan shirkaan ayaa isagana lagaga hadlay xaalada ku darsiga sharci darada ah.

Ugu danbeyntii xaalada ayaa la saadalin karin meesha ay iskugu soo biyo shuban doonto balse waxaa muuqata kadib go’aankii shalay ay gaareen golaha muddo xileedkoodu dhamaadey ee baarlamanka inuu u muuqdo dalku,mid gali doona doorashooyin isbar-bar socda (parallel elections) taasoo saaxibada beesha caalamkuna horey ay uga digeen inaysan aqbali doonin.

Ugaas Mahad Sh Ali

4 Comments

  1. Somalida somali baa leh.
    Dhulka somaliyeed waa inagu filan yahay.
    Qarankeena somaliyeed yaynaan u burburin madax wayne kursi ku fadhistay.
    Kolayba kursiga nin baa ku fadhiyi lahaa oo umada hogamin lahaa.
    Aynu baahiyaha dalka wax ka qabano
    Qofka wadaniga ah cidkasta oo dalka madax ka noqoto waa utaliyaa. Dalka nin baa xukuma, Qabiil ma xukumo dalka .
    Somaliya ha midowdo
    Ssc guul. Puntalnd guul.
    Somalia viva

  2. Dhasheeg

    Garanay jubaland laakiin sool iyo sanaag waa riyo aad ku mededaalooto, dhulka somaliland ba ka talisa ciidan xoogana way inoo joogaan. Buuhoodle haduu qorsha shaydaaniyada ka bilaabo ethiopia raali kama ahan maadama somaliland iyo ethiopia ka dhaxayso xidhiidh amni iyo mid ganacsi labo dagaal ay dadka deegaankaasi eersan doonaan baanu ku qaadayna halkaasi. Nina looma aabo yeelayo haatanba horufadhi baanu dul joogna. Hhhhh

  3. Cagtii joogsan weydaa mar bay ceeb la kulantaaye
    Dubai iyo Nairobi qolyaha u shaqeynaya dalka ha dhaafaan
    waxaan u maleynayaa 99% somalidu way soo dhaweeyeen wuuna la daahey. waxaan rajeyneynaa talaabada xigta in ay noqoto tan lagu xoreynaya Jubaland iyo sanaag iyo Sool
    anigu waxaan leeyahey Dani iyo Madoobe Vai all;inferno tutti

  4. Madoobe dhuxulayste iyo Deni zanzibar si fiican baa loo garaacay, iyagoo dullaysan bay ka huleeleen Muqdisho. hawsha dowladdu sidii loogu talo galay
    bay u socotaa! waxaan aad ula yaabay canugga yar ee hebel Joon ee isku dayay inuu hor istaago Madaxweynihii dalka, Taliyihii Ciidanka booliska, golihii shacabka?! dadka noocaas ah baa la leeyahay dowlad ha noqdaan.! maxaa ku jaban 2 sano oo lagu diyaarinayo doorasho qof iyo cod ah.

Comments are closed.