Maamulka Galmudug ayaa Been abuur Ku tilmaamay warqad Lagu baahiyay Warbaahinta Dawlada soomaaliya laguna sheegay In maamulo galmudug kamid tahay inay Taageeren Mudo Kordhinta Madaxweyne Farmaajo.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wasiirka Amniga Galmudug ahmad Macali Fiqi ayaa warkaan qoray “Go’aan fudayd lagu qaatay oo taageero fudayd ah loo been abuurayo,warqadda kasoo baxdey Villa Somalia oo dhabarka loo saarayo dowlad goboleedyada,waxay u muuqataa mid aan sax ahayn oo jumlooyinkeedu ay is burinayaan.
Jumlada koowaad; waxaa lagu soo dhowaynayaa go’aankii golaha shacabka Garabka VS, tan ku xigta waxaa lagu sheegayaa in ay ka go’an tahay Dawlad goboleedyada hirgalinta heshiisyadii doorashooyinka iyo in dadaal lagu bixiyey tabashooyinka ka soo laabtay heshiiskii 17 September ayadoo weli shirkii uu ka furan yahay teendhada Afisyoone.
Qeybta u danbaysa waxaa lagu sheegayaa in ay garab taagan yihiin hey’adaha dastuuriga ee heer federaal ayadoo la og yahay in hey’adaha federaalku uu waqtigoodii dhamaaday, haddii wax la ayidayana ay ahayd in dastuurka dalka la garab istaago oo ay ku caddahay mudda xileedka hey’adaha dastuuriga ah.
Isku soo duub, Galmudug mawqifkeedii waxaa caddeeyey madaxweynaheeda, ayadoo aysan sinnaba sax u ahayn in la taageero go’aan lagu carqalDeynayo in dalka ay ka dhacdo doorasho la isku waafaqsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Isku soo duub, Galmudug mawqifkeedii waxaa caddeeyey madaxweynaheeda, ayadoo aysan sinnaba sax u ahayn in la taageero go’aan lagu carqalDeynayo in dalka ay ka dhacdo doorasho la isku waafaqsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.