Wakiilada Beesha Caalamka oo ka hor-yimid muddo kordhinta Golaha Shacabka u sameeyay maamulka Farmaajo ayaa ku sifeeyay mid wiiqeysa sharciyadda hay’adaha federaalka.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Sidoo kale, waxay sheegeen in aysan marnaba taageeri doonin geedi socod doorasho oo is-barbar socda iyo kororsi.

Sidda ku xusan qoraal ay soo saareen, Beesha Caalamka ayaa dib u qiimeyneysa xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka, hoos u dhigi doona taageerada maaliyadeed, aqoonsigana kala laaban doona dowlada federaalka isla markaana xayiraadyo kusoo rogi doona shaqsiyaad.