War Deg Deg Ah:Ciidanka Galmudug oo Gaalkacayo Jidadka Xidhay Wararkii ugu Danbeeyay,

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug, oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa saaka la wareegay dhammaan kantaroollada laga soo galo koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug, ayaa laga soo xigtay in ciidankan ay ka cabanayaan mushahar ka maqan mudda saddex bilood ah.

Ciidankan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa isbaarooyin dhigtay saddexda Kantarool ee laga soo galo koonfurta Gaalkacyo, sida ay sheegeen Goob-joogayaal.

Ciidanka ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka soo galaya iyo kan ka baxaya koonfurta Gaalkacyo, waxaana haatan socda dadaal lagu xallinayo tabashadooda.