Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh oo ku dhawaaqay natiijada doorashadan ayaa si rasmiya u shaaciyay in mudane Geelle mar kale loo doortay madaxweynaha Jabuuti.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.
Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.