War-saxaadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa welwel looga muujiyey qoraalladii shalay soo baxay ee lagu sheegay inuu fashil ku yimid shirarkii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ee Afisyoone ka socday maalmihii lasoo dhaafay, iyo war-saxaafadeedyadii ay la wadaageen bulshada.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Qoraalka laagu sheegay inuu shirka fashilmay ayaa waxaa soo saaray dowladda federaalka gaar ahana wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, xilli ay maamulada Puntland iyo Jubaland sheegeen inaysan ka war-hayn shir fashilmay
Beesha Caalamka ayaa qoraalkaan uga dalbatay madaxda Soomaaliya inay si deg deg ah ugu laabtaan wada-hadallada, si ay heshiis uga gaaraan arrimaha harsan, iyagoo u maraya isu-tanaasul.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed ka dalbatay inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan.
